
|
|
Wasaarada Isportiga oo xalisay muran u dhaxeeyay Mas'uuliyiinta xiriirka Kubada Cagta.Wasaarada Sportiga iyo dhalinyarada Xukuumada KMG Soomaliya ayaa sheegtay in ay ku guuleystay xalinta muran ka dhex jiray Mas’uuliyiinta Xiriirka Kubada Cagta ee Soomaliya. Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Isportiga Qadiijo Maxamed Diiriye oo u warameeysay Radio Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradu ku guuleeysatay xalinta khilaaf u dhaxeeyay mas’uuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta. Wasiirka Isportiga iyo Dhalinyarada ayaa intaa ku dartay in Wasaaradu ay dadaal dheer u gashay sidii loo dhameeyn lahaa Muranka ka dhex jiray mas’uuliyiintaasi kaas oo markii danbe lagu guuleeystay. Qadiijo Maxamed Diiriye waxa ay tilmaantay in la qabtay doorasho 19-kii bishan taas oo gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta loogu doortay Saciid Maxamed Nuur Muganbe halka xoghaye guud loo doortay C/qani Saciid Carab iyo xubno kale oo la doortay |
International Headlines
|












