
|
|
Taariikhdii Ciyaaryahan Axmed Saqiir oo koobanCiyaaryahan Axmed Cabdiraxmaan Bin Maxamuud Al-Shaatri ( Axmed Saqiir ) wuxuu ku dhashey Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Shibis Xaafadda ( Bilaajo ) kuna barbaarey, Waxabarashadiisa Dugsiga hoose/Dhexe iyo Sare ku dhameystay Iskuulka Jamaal Cabdi Naasir , wuxuuna yaraantiis aad u jeclaa Ciyaaraha Kubbadda Cagta wuxuuna ka mid ahaa dhalinyaradii ku ciyaari jirtey Barxadii ama Garoonkii Maxfalka , isagoo halkaasi ku ciyaaraya ayaa waxaa ka qaatey Naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho ( MUNICIPIO ) .Hotmail: Trusted email with Microsoft’s powerful SPAM protection.
Isagoo u ciyaarayey ilaa uu ka noqdo ciyaaryahan ama laacib sumcad ku yeeshtey Bahda ciyaaraha isla markaana hab ciyaareedkiisu ay dadweynaha aad u jeclaayeen, wuxuuna ku muteystey in loo magacaabo qarankii soomaaliya isagoo dhowr kulan u ciyaarey qaranka soomaaliyeed . Ka dib wuxuu usoo baqooley ama uu yimid wadanka sacuudiga halkaasna uu ka sii watey ciyaarihiisa iyadoo ciyaartiisa ay aad ula dhaceen . Wuxuu kusoo laabtey soomaaliya isagoo kala kulmey soo dhoweynta heer sare ah. Inta uu sacuudiga joogey ciyaaryahanka wuxuu go’aansadey inuu ka ciyaaro boqortooyada sacuudi carabiya .
Wuxuuna ku biirey Naadiga AL -AHLI ee Boqortooyada sacuudi Carabiya 1395 Hijriyada . Ciyaartiisii Ugu Horreysay waxey aheyd Ciyaar dhex martey Naadigiisa Al-Ahli iyo Naadiga kale ee la yiraahdo al- itifaaq .
Muddo ka dib wuxuu noqdey kabtanka Naadiga , iyagoo ciyaar adag isaga horyimaadeen Naadiyada kala ah Al-Hilaal iyo Itifaaq kana guuleyteen naadiyadaasi sidaasina ay ku hantiyeen Koobka Boqorka .
sanadku markuu ahaa 1405 H ijriyada Wuxuu Ku Biiray Qaranka Wadanka Sacuudiga . kana qeyb galeen Tartanka Dowladaha Khaliijka Guulna Kaga Keenay Dowladaha Khaliijka Sannadku Markuu Ahaa 1406 H
Guulasha ama Farxadda uu la qeybsadey Kooxdiisa Al - Ahli waxaa ka mid ah :
1 – Koobka Boqorka Sanadku Markuu Ahaa 96/97 M.
2 – Horyaalka Waddanka Sannadku Markuu Ahaa 97/98 M.
3 – Koobka Boqorka Sannadku Markuu Ahaa 97/98 M.
4 - Koobka Boqorka Sannadka Markuu Ahaa 98/99 M.
5 - Koobka Boqorka Sannadka Markuu Ahaa 1402/1404 H.
6 - Horyaalka Wadanka Sannadka Markuu Ahaa 1403/1404 H
Wuxuuna Dhaliyay In ka badan 63 Gool Kooxdiisa Al-Ahli waxaana u sii dheeraa Boqolaal Oo Goolal ah Oo Uu U Habeeyay Saaxiibadiisa .
Goolasha Aan La Illoobi Kareynin Oo Xusuus Ku Reebtay Garoomada
Wuxuu Goolkiisii Ugu Wanaagsaneyd Ka Dhaliyay Goolhayihii Qaranka Dowlada Ciraaq oo lagu magacaabi jirey Racad Xamuuda ciyaar ka tirsaneyd Tartanka Koobkii Dowladaha Khaliijka Sannadka 1982 M.
Goolkii labaad Ee Ugu Quruxda Badnaa wuxuu Ka Dhaliyay Kooxda
Saobaulo Ee ka dhisan wadanka Barasil Kuna Wada Ciyaareen Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya .
Axmed Al-Saqiir Waa Ciyaartiygii Kooxda Al-Ahli Iyo Qaranka Sacuudiga Lagu
Naqshadeeyay Magaciisa Dahabka Garoomada Sacuudiga
Wuxuu Ahaa ciyaartoyga Ugu Fiican Oo Kubad Dhisa Taarikhda Kubadda Sacudiga Ama Uu Yahay Ciyaartoyga Ugu Wanaagsan Khad Dhexe Ka Ciyaaro Lagu Arkay Garoomada Sacuudiga, Wuxuuna Aad Ugu Wanaagsan shootting a Adag ee laga shuudo diilinta 18aad Bannaankeeda , Rigoorooyinkii Iyo Korrnooyinkaba .
Firfircoonida Iyo Taataabashada Sixirka Ah Oo Uu Ku Dhaqaajin Jiray Weeraradiisa Kooxdiisa Al-Ahli , Waxaana U Sii Dheeraa Oo Tiir Weyn U Aheyd Akhlaaqdiisa Iyo Xiriirka Fiican ee uu La Lahaa Saaxiibadiisa .
Axmed Saqiir Wuxuu Ka Mid Yahay Ciyaartoda Nasiib U yeelatey inay ka faa’iideystaan Tababarayaal Caalami ah kuwaasoo tababare u Noqdey Naadiga Al-Ahli iyo Qaranka Sacuudigaba .
Waxeyna Kala Ahaayeen : Teli Santana, Didi, Brotosh, Mario Zegaalo , Boshkash , Jimi Heyl .
Inta uu ka tirsanaa Naadiga Al_ahli waxey ku guuleysteen Koobab fara badan waxaana ka mid ahaa : 1 – Koobkii Loogu Tala Galay Boqorka 96/97
2 – Horyaalkii Waddanka U Yaallay 97/98
3 – Koobkii Loogu Tala Galay Boqorka 97/98
4 – Koobkii Loogu Tala Galay Boqorka 98/99
5 – Koobkii Loogu Tala Galay Boqorka 1402/1403
6 – Horyaalkii Waddanka U Yaallay 1403/1404 Waxaana loo sameeyay Xaflad aad u weyn ka fariisashadiisa Ciyaaraha iyadoo ay ciyaar isaga horyimaadeen Xiddigaha Kubbadda Cagta ee dowladaha Carabta iyo koox reer Swiss ah laguna magacaabo Servitt sannadku markuu ahaa 03/04/1407 Hijriya . ciyaartaasoo ku dhamaatey 2:1 oo ay guusha ku raacdey naadiga Al-Ahli goolkii ugu hoyeyna ciyaartaasi daqiiqadii 25aad uu dhaliyey ciyaaryahan Axmed Saqiir .
|
International Headlines
|















