Taariikh nololeedkii Allaha U.N Shiiqaalow.

Alaha u naxariistee Maxamed Xusseen Cali (Shiiqaaloow)waxa uu ku dhashay Dagmada Shiubis ee magaalada muwdisho Sanadii 1958,Wax barashadiisa Hoose iyo Sare waxa uu kuqaatay isla dagmada shibis ee Magaalada Muqdisho. 

Shiiqaalow ayaa ku garaadsaday Hiwaayada Cayaaraha waxa una ahaa Wiil yaraantiisii aad u jeclhaa Kubadda Cagta,taasi oo keentay in uu noqdo mid kadhex muuqda Tartamada Cayaaraha ee Kubada Cagata marka loo Xarumaha  Waxbarashada, 

Sanadkii 1972 ayaa aheeyd markii ugu horeysay ee uu marxuumka kasoo dhex muuqdo Xulka Dagmada Shibis oo markaaa kaqeyb galeysay Tartamada dagmooyinka Xamar,Saanadkaasina waxaa ku guuleystayDagmada shibis  oo kaqaatay Dagmada Xamarweyne.

 Isla sandkaas waxaa Shiiqaalow looqaatay Xulka Gobalka Banaadir waxa uuna Shiqaalow Sanadjkaasi kadhex muuqday tartankii Gobalda iyadoo cayaartii Fiinaalka ay iskugu soo hareen Gobaladda Banaadir iyo Jubada Heese waxaana laga guuleestay gobalka Banaadir.

 Cayaartaas Shiiqaalow waxa uu cayaarayay isagoo dhawaac uu kasoo gaaray Shil Mooto ama Dhu-dhugley oo uu galay waana laga guuleystay Sanadkaasi. 

Isla Sanadkaas waxaa Shiiqaalow loo qaatay Naadiga Dowlada Hoose ee Muqdisho oo uu kanoqday Cayaartowada kadhex muuqata Naadiga waxa uuna 1975 iyo 1976 kooxda uu laqaaday Tartankii Horyaalka sidoo kalana waxa ay qaadeen Iskoorkii Gool dhalinta.

 Isla Sanadkii 1975 waxa uu Shiiqaalow u muuqanayay Cayaariyahay halkii ugu sareesay kagaaray kooxaha Dalkeena kajiray markii uu ku biiray Xulka Qarnkeenii Soomaaliyeed ee xiligaas,waxa uu kamid ahaa Shiiqaaloow Cayaartoyda ugu wanaagsan ee Xulkeenii Soomaaliyeed.

 Waxa uu kamid ahaa Shiiqaalow Cayaartowydii soomaliyeed ewe kaqeybgashay Tartankii Jaamacada Carabta ee lakadhacay Dalka Masar,ilaa 1983-dii waxa uu ka tarsanaa Xulka qaranka Soomaaliyeed.

 Alha Unaxariistee Shiiqaalow waxa wadankeena dibadiisa uga qeybgalay Tartamo kala Duwan wadamadii uu tagayna isagoo naadi lasocda waxaa kamid ahaa Masar,Suudaan,Kenya,Burundi,Najeriya,Malawi iyo zan-zibaar.

 Intii uu kuguda jiray Bahda Cayaarha Kubada Cagta waxa uu Soo qabtay Xilal kaladuwan oo Kubada Cagta ah waxaana kamid ahaa,sanadii 1988-dii oo uu macalin unoqday cayaartoydii mataleysa Muqdisho ee u ambabaxday Sacuudiga. 

Markii Dowladii Dhexe ee dalkeena Soomaaliyeed ay burburatay waxa oo tababare u noqday kooxo kala duwan oo ay ugu horeysa kooxda Tadaamun oo kadhisneed gobalaka Cataq ee dalka yaman,Kooxdaa ayaa markii uu qabanayay Macalin Shiiqaalow waxa ay aheed Heerka Labaad waxa uuna soogaarsiiyay Heerka Koowaad. 

Sanadkii 1997-dii ayuu ku soo laabtay Dalkeena soomaliyeed oo kujiray Todobadii Sano ee ugu horeysay ee burburka waxa uuna bilaabay in uu tababaro Kooxaha kala duwan ee markaasi kajiray Wadankeena.

1997-1999 waxa uu macalin u ahaa Kooxdii Kesko
1999-2000 waxa uu leylinayay Xooxdii Gasko
2000-2001 waxa uu Tababarayay Kooxdii Gaheyr
20001-2003 waxa uu macalin u ahaa Koox ku cayaareysay magaca Dahabshiil.

 Wabsedka Kubdda ayaa waxa wax kaweydiiyay shiiqaalow intii uu noolaa Cataartoyda uu ugu jeclaa in garbahiisa buuxiyaan marka Tartan xiisa  badan leeyahay iyo difaacyada ugu adkaa ee kooxaha kale ee tartanku kadhaxeeyay maadaama isgu weerar uu ahaa ,waxa uuna ku jawaabay.

 (waxaan aad u jeclaa cayaartoyda kala ah ,Cadilaahi Cabdi(Dheymanka),Looloow,Bini shaakir,Kuluu,Cumar calasow,dhinaca difaacyada ugu adkaa ayaa sheegay in uu kaxusi karoo,Iskood,Shariif,Xamza,Xaash iyo Qaloocoow.

Taariikhda Allaha Unaxariistee Macalinkii, Halyeygii Kubada Cagta Somalia Allaha U naxariistee Waxaan kasoo xiganayay Macalinka Xulka Qaranka Somalia Cabdi Geele oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


Yusuf Maxamed Nuur (Awkoombe).
Yuonoor@gmail.com