
|
|
Raul oo ka huleelayo hoygiisa madrid, iyo Rebery oo mustaqbalkiisa mugdi ku jiro.Rugcadaagii hore ee kooxda real madrid iyo xulka qaranka spain ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga dagay kooxdiisii real madrid, ka dib markii kooxdaas lagu amray in uu isaga dago oo aan wax boos ah uga banaaneyn.
Raul ayaa waqti dheer oo uu ka ciyaarayay garoonka kooxda real madrid lagu wadaa in uu soo afjaro isbuucan.
Raul ayaa waxaa lagu wadaa in uu ku biiro koox ka dhisan dalka jarmalka oo lagu magacaabo schalka, raul ayaa waxaa lagu wadaa in uu isbuucan saxiixo qandaraas gaarayo ilaa 2-sano oo uu kula joogi doono kooxda schalka.
Sidoo kale waxaa kooxda madrid ay dabi doonaan ciyaariyahan caan ka ahaa kooxdaas waa ciyaariyahan gutti oo asagana lagu amray inkooxda uu isaga dago oo waqtigiisii uu dhamaaday.
Macalinka cusub ee kooxda madrid morinho ayaa shaaca ka qaaday in labadan ciyaariyahan aan looga baahneyn kooxda oo ay da'dooda haray u badatay, isla markaana ay booska ka buuxinayaan ciyaariyahano da'yar oo ay kooxda soo iibsan leheed.
Dhanka kale waxaa hawada isku shareeray fadeexadii lasoo daristay labada ciyaariyahan ee reer france waa frank rebery iyo ciyaariyahan karem benzeema oo wali ay su'aalo weydiinayaan booliska dalka faransiiska
Wararka laga helay wakaalada wararka faransiiska oo loo yaqaano(Agence France Presse) oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (AFP) ayaa shaacisay in benzeema iyo rebery lagu xukumo mid sadax sano oo xarig ah.
Ciyaariyahanadan ayaa lagu eedeeyay in ay la seexdeen gabar da'yar oo aan wali qaan gaarin, ciyaariyahanka kooxda buyer munich ayaa la sheekayaa in gabadhan uu la kulmay ayadoo jirto 16-sano, halka benzeema uu kula kulmay 17-sano.
Dacwada ayaa xoogeeda waxa ay ku socodaa ciyaariyahan rebery oo asaga gabadha oo yar lacag ku sasabay, halka benzeema loogu garaabay in ay saaxiibo ahaayeen oo xitaa uu asaga da'ahaan ay isku fac ahaayeen.,
Tababraha kooxda Chelsea Carlo Ancelotti ayaa sheegay in uu liiska uu ugu jiro xidiga weerarka wadanka Talyaniga iyo kooxda Inter Mario Balotelli
|
International Headlines
|












