
|
|
Mid kamid ciyaroydii hore ee Somalia oo kaalmo weydiisanaya bahda isboortiska iyo guud ahaan dadka somaliyeedCiyaaryahankii hore ee qadka dhexe kooxda Sancada ee ka mid aheyd kooxihii heerka kowaad ee dalka Somalia Shirwac Axmed ayaa codsi kaalmo u diray bulshada somaliyeed gaar ahaan bahda isboortiga somaliya. Shirwac oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa ka cabanaya culeys kaga yimid xaga daaweynta canug uu dhalay oo cudurka maskaxda gala ee Minigiteska ama maskax garaadka layiraahdo uu ku dhashay sanadkii labada kun iyo shantiligaa wixii ka danbeeyayna uu ku jiray xaalad adag.
Wiilka Shirwac ayaa madaxa tubo loga suray xiriirsan ilaa kaadi heysta taa oo sida uu iisheegay qaliin lagu sameeyay isagoon sanad gaarin sababtuna waxa uu ku sheegay inay dhaqaatiirtii daweyneysay sheegeen in xidid maskaxda uu biyo beerdareynayo tubadana waligis ay surnaaneyso biyahana ay kaadi ahaan maskaxda uga baxayaan. Shirwac waxa uu ii sheegay in wiilkiisu aanu socon Karin oo mudo shan sano ah uu fadhiid ahaa waxaana uu intaasi ku daray in xitaa araga wiilkiisa ay saameysay dhibaatada cudurka wiilkiisa haya. Daweynta wiilkisa ayay dhaqaatiirtu sheegn in aan gudaha dalka Kenya wax looga qaban Karin arintaasina ay tahay mid uusan isagu wax ka qaban Karin. Waxa uu bulshada soomaaliyed ee samaha jecel iyo bahda isboortiga ka codsaday in laga caawiyo daaweynta canugiisa oo culeys weyn ku noqotay noloshiisa. Taariikhda Shirwac. Shirwac C/laahi Axmed waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisha Sanadku markuu ahaa 1968-kii. Waxa uu waxbarashadiisa hoose iyo dhexe ku qaatay dugsiga H/Dhexe ee Siyad, degmada Madina ee Magaalada Muqdisha. Shirwac waxa uu ciyaaraha heerka koowaad ee dalka Somalia uu kusoo biiray sanadku markuu ahaa 1986 isagoo u ciyaarayay kooxdii Sancada ee warshadaha.
Ciyaarihii lagu xasuusto shirwac ee waxaa ka mid ahay ciyaar ka tirsaneyn koobka General Da’ud oo semi-final aheyd taas oo ay isku hardiyeen kooxdiisii Sancada iyo kooxda Badda oo uu xiligaa goal haye u ahaa gaolhayihii xulka qaranka somaliyeed Xassan Sheikh Aweys oo Joorje ku magac dheeraa ciyartaas shirac waxa uu aha xidigii ka dhex muuqday waxaana uu goal uu dhaliyay uga adkaadeen Badda sidaana ay finalkii ugu gudbeen oo ay kaga guuleysatay kooxda gaadiidka. Shirwac waxa uu sanadkii 1990-kii uu kusoo biiray naadiga Muqdisho madaama xiligaa uu ahaa nin aad u firfircoon qadka dhexena si wacan u maamula waxana uu ka mid ahaa mudo sanad ah. Xiligii uu u diyaarsanaa in xulka qaranka Somalia lagu daro oo ay aad u korodhay xirfadiisha kubada cagta iyo waaya aragnimada uu lahaa madaama shan sanadood uu isboortida dalka heerkisa kowaad ku dhex jiray Hase yeeshee Nasiib daro uu Qaranimadi dalka baaba’ay. 1993 markii dhibaatada dalka ka jirtay ay cirka isku sii shareertay ayuu shirwax dalka isaga soo cararay isagoo macin biday wadanka Kenya ee Somalia dariska la ah halkaa oo uu xaas iyo caruur ku yeeshay. Sanadkii 2002-kii Waxa uu Kabtan u ahaa ciyaartoy Somali ah oo dalka Kenya kaga qeyb galay tartan loo qabtay qaxootiga wadamo badan oo ay ka mid ahaayen Ethiopia, Eritrea, Uganda, Burundi, Sudan, Congo, iyo wadamo kale waxaana ay ku guuleysteen Koobkii quruxda badnaa.
Sanadkii 2003-dii Waxa uu ku biiray Naadiga Ndugu ee heerka labaad dalka Kenya oo uu kaligii Somali ka ahaa waxaana uu u ciyaarayay ila sanadkii 2006kii Markii dhibaatada canug uu dhalay oo uu hayay cudurka Maskaxda ku dhaca ee Minijajiska ay korodhay ayuu bilaabay in uu isaga haro ciyaaraha kuna mashquulay daaweynta canugiisa taa oo ugu danbeyn la kari wayay in Dhaqaatiirta Kenya ay wax ka qabtaan. Noloshiisa. Shirwac waa Xaasle leh todobo caruur ah, Shan wiil iyo labo Gabdood waxa uu ku noolyahay Xaafada islii waxa uu ku jiraa nolol iska hooseysa waxa uu ka shaqeeyaa foorno lagu iibiyo Rootiga, Buskutka iyo waxyaabaha Macmacaanka ah.
Waxa uu maareeyaa Nolosha qoyskiisa, waxbarashada caruurtiisa iyo caafimaadkooda intaba isagoo kaalmo yar ka hela qaar ka tirsan eheladiisa oo dibadaha ku nool. Waxa uu daganyahay xaafad ka tirsan xaafada somalida ay dagaan ee islii oo ay daganyihiin dad noloshooda ay meel hoose iska tahay oo somali iyo oromo qaxooti ah isugu jira. Shirwac nolosha uu ku noolyahay ma ahan mid uu dhibaato ku qabo ama uu ka xunyahay hase yeshee ladagaalanka quutul duruuriga waxaa u raacay culeyskale oo uu in mudo ah la daalaa dhacayay.
8 aroortii waxa uu u jarmaadaa goobta shaqadiisa halkaa oo ilaa 8deeda fiidnimo uu ku gaaro. Goobta shaqada oo aan sido kale shirwac ku booqday ayuu I tusay shaqada adag ee uu qabto ta soo aan u qalmin lacagaha uu bishi qaato oo uu ii sheegay hase yeeshee ay lagama maarmaan u tahay nolosha. Shirwac isagoo dagaal kula jira Nolosha iyo qutul daruuriga qoyskiisa ayay musiibada cudurka canugiisa ay lasoo daristay taa oo uu raganimo iyo karti dheeri ah oo uu eebe siyay isku dayay inuu maareeyo hase yeeshee ay ka tan waynatay madaama wax u qabashadiisa iyo caafimaadkisia ay Kenya ka gudubtay. Shirwac C/laahi Axmed Waxa uu ka codsanayaa bulshada somaliyeed, Bahda Isboortiga iyo inta wax u qaban karta inay ka caawiyaan in canugiisa la daweeyo.
Hadaba cid kasta oo si muslinnimo ah am Somalinimo u dooneysa inay ku caawiso shirwac hakala soo xiriirto taleefoonada hoos ku qoran:-
Tell: +254-710733997 Shirwac Tahliil Olad Hassan (Tahlayare) |
International Headlines
|












