Mano menezes oo macalin u noqon doono brazil iyo warar goos goos ah.

Xulka brazil ayaa markii uu ku guul dareystay ni uu natiijo wanaagsan koobka aduunka ayaa waxaa jiray dhaliilo loo soo jeediyay macalinkii xulka ee dunga, taasoo keentay ugu danbeyntii in uu iska baxo dunga.

 

Xulka brazil oo raadinayay macalin qaadi karo masuuliyada xulka awooda badan ee brazil, waxaa horay codsi ugu soo dhiibtay macalimiin badan oo uu ka mid yahay xidigii hore ee kooxda ac milan leanardo kaasoo aanan wax dix galin ah helin.

 

Mano Menezes

 

Ugu danbeyntii brazil ayaa waxa macalin looga dhigay menzes oo horay u soo leyliyay kooxo badan oo ka dhisan latin america gaar ahaan dalalka brazil iyo argentina.

 

 

honda oo u dhashay dalka japan ayaa waxaa lagu wadaa in uu ku biiro saacadaha soo socdo kooxda reer talyaani ee ac milan.

 

Honda ayaa shaaca ka qaaday in milan ay tahay koox weyn oo caan ah isla markaana uu jecelyahay in uu u ciyaaro kooxdaas.

 

Ciyaariyahankan ayaa waxaa macquul ah in uu ka qeyb qaato kulanka dhex mari doono milan iyo arsenal isbuucaan marka ay taariiqda tahay 31 july, milan ayaa waxa ay kula wareegi doontaa ciyaariyahankan 13million.

 

Dhanka kale milan ayaa waxaa macalin u noqon doon macalin Massimiliano Allegri, macalinkan ayaa shaaca ka qaaday in uu kooxda ku soo biirin doono ciyaariyahano xirfad leh.

 

 

Inter milan ayaa dooneyso ciyaariyahanka kooxda villa real iyo xulka talyaaniga ee guiseppe di rossi.

 

Di rossi ayaa nafsad ahaandiisa ku nuux nuuxsaday in uu daneynayo kooxda weyn ee reer talyaani ee inter milan.