
|
|
Madaxii Kooxda GASCO Oo Saacado Xabsiga La Dhigay..MUQDISHO: Mid ka mid ah madaxda kooxaha Kubadda cagta ee u diiwaan gashnaa Xiriirka Kubadda Cagta islamarkaasna ka mid ahaa codeeyayaashii doorashadii guddoonka Xiriirka ahna Madaxa kooxda heerka labaad ee GASCO Aweys Cali Xaaji Dalfac (Aweys Beeleey) ayaa saacado xabsiga la dhigay iyadoo markii danbe si damaanad ah uu dib xuriyadiisa ugu helay.
Aweys Beeleey ayaa xabsiga Afar Irdood ku qaatay saacado ka gadaal markii uu saaka garoonka Dugsiga sare ee Booliska [Scuola Polizia] oo shalay ka furmay horyaalkii 6-aad ee Heerka labaad [Seria B] uu geeyay koox ku ciyaaraysa magaca kooxda GASCO iyadoo ciyaar ay ku balansanaayeen kooxaha DAALLO vs. GASCO xilligaas koox kale oo ku ciyaaraysa isla magacaas {GASCO} ay ku sugnayd garoonka islamarkaasna ay aqoonsan tahay xiriirka Kubadda Cagta. Aweys Beeleey ayaa ku dooday inuu isaga mas`uul ka yahay kooxda GASCO balse aan koox kale ku ciyaari karin magaca kooxdiisa wuxuu durba ku amray ciyaaryahanadii uu watay inay garoonka galaan oo ay iyagu ciyaaraan, Laakiin waxaa arintaasi ka biyo diiday maamulka ciyaarta [XSKC] oo u sheegay in ay ciyaarayaan kooxda kale taasoo dhalisay buuq iyo gacan ka hadal markii danbe sababtay inuu soo dhexgalo Ciidanka Booliska oo xabsiga u taxaabay madaxa kooxdan GASCO Aweys Cali Xaaji Dalfac (Aweys Beeleey). "Aniga kooxdeyda ayaan geeyay garoonka waxaan ku iri garoonka gala oo ciyaara wax hub ma wadan waayo kooxda GASCO waa kooxdeyda magaceyna cid kale ma sheegan karto mana ka yeelayno" sidaas waxaa tibaaxay Aweys Beeleey oo raaciyay inuu muddo kooban xabsiga la dhigay laguna soo daayay damiin isagoo ka dhawaajiyay in lagu xiray amar Taliye iyo Wasiir. Aweys Cali Xaaji Dalfac [Aweys Beeleey] ugu baaqay wasaaradda isboortiga,GOS, FIFA, CECAFA iyo dhamaan inta jecel isboortiga inay soo farageliyaan tacadi iyo boob uu ku sheegay inay wadaan hogaanka xiriirka kubadda cagta oo uu sheegay in waqtigooda dhamaaday xilliganna uu yahay waqtigii doorashada guddoonka xiriirka kubadda cagta. Said Ibrahim Hussein [BUUNA]
|
International Headlines
|













