
|
|
Ismaaciil Malaaq Sinigaal )"waxay aheyd mar hadii aan ahay Professional kubadda Cagta ah inaan jago ka qabto xariirka Soomaaliyeed ee kubadda CagtaIsmaaciil Malaaq Abuukar (Sinigaal)"waxay aheyd mar hadii aan ahay Professional kubadda Cagta ah inaan jago ka qabto xariirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta hayeeshee waxaa booskeydii qaab qabiil ku helay dad aan Isboortiga magac ku laheyn taasoo mugdi sii gelineysa in Isboortiga sameeyo hanaqaad"
Halyeeyga Isboorti ee kubadda Cagta Ismaaciil Malaaq Abuukar (Sinigaal) oo ahaa difaacii xulka qaranka kubadda Cagta dalkeenna Hooyo isla markaana horay cayaro caalami ah uga qaybgalay in ka badan 30 mar in ka badan oo wadamo Yurub ah ay ku jiraan ayaa maanta nagu soo booqday xafiiska warqabadka shabakadda Isboortiga ee Somsports isagoo aanu ka wareysanay arrimo badan oo at ugu horeeyaan sida uu u arko doorashada gudoonka xariirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta.
Sinigaal ayaa mar uu ka hadlayay sida uu arko xilka doorashada xariirka kubadda waxaa uu sheegay in ragga wada doorashada xariirkan aaney wax aqoon ah u laheyn ayna yihiin intooda badan shaqsiyaad baal madoow kaga jira xariirkan gaar ahan mudadii bur burka iyagoo Isboortiga ku soo saa'idiyay sida uu iri waxyaabo horay uga mamnuuc aha sida qabiil iyo musuqmaasud sidaasi darteedna aaney doorashadan xaq noqon karin.
Sinigaal ayaa tilmaamay in raggii ehelka u ahaa Isboortiga laga sii jeestay ayna howsha doorashada wadan rag majaalkan ugu soo biiray hunguri kuwaasoo dhinac maray mabaadiida Isboortiga waxaana uu sheegay marka loo eego waaya aragnimadiisa uu isagu xaq u lahaa in lloo doorto xilkaasi hayeeshee rag kale oo masraxa ku yimid qaab qabiil ay booskiisa la wareegeen.
"waxay aheyd mar hadii aan ahay Professional kubadda Cagta ah inaan jago ka qabto xariirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta hayeeshee waxaa booskeydii qaab qabiil ku helay dad aan Isboortiga magac ku laheyn taasoo mugsi sii gelineysa in Isboortiga sameeyo hanaqaad" ayuu yiri Sinigaal oo sheegay in lala xisaabtami doono shaqsiyaadka ku tagri falaya wax uu leeyahay qaranka Soomaaliyeed sida doorashada xariirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.
www.somsports.com |
International Headlines
|












