Goolhaye Joorje oo dhaliil weyn u jeediyay doorashada xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta

(Xilligan waxaa laacibka Qaranka ah ninkii barta sida goolka loo dhaliyo)
 
Goolhayihii hore ee xulkii Qaranka Soomaaliya iyo naadigii hore ee Badda ciyaaryahan Xasan Sheekh Aweys (Joorje) oo wareysi siiyay Website-kan SOMSPORT ayaa qaadacay doorashada guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta taasoo lagu wad in 15 bisha May ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe isagoo ku tilmaamay mid aysan waxba ka soo bixi doonin mustaqbalka.
 
Goolhaye Joorje ayaa ugu horeyntii dhaliil u soo jeediyay mas’uuliyiinta isu soo taagtay xilka guddoomiyaha xiriirka isagoo sheegay in aysan talada isboortiga ka qeyb gelin isla markaana xisaabta ku darsan laacibiintii hore ee dalka u soo halgantay iyagoo buu yiri ka doorbiday dhalinta cusub iyo kooxo aan naadi lagu tilmaami karin.
 
“Horta Aniga shaqsiyan doorasho uma arko waxa hadda socda, maxaa yeelay wax talo ah kuma lahan dadkii khabiiriinta isboorti ahaa waxay aheyd inay soo xusuustaan dadkii hore ee isboortiga u saaxiibka ahaa lamana tixgelin, ma naloo yeerin, mana nala qiimeyn, waana taas mida aan maanta ku qaadacayo doorashadaasi, dadka tartamaya hadda ma is weydiiyeen aaway laacibiintii dalka yaan dhintay yaase nool” ayuu yiri goolhayihii hore ee naadigii Badda iyo xulkii Qaranka Soomaaliyeed.
 
Sidoo kale, Goolhaye Joorje waxa uu si gaar ah ugu eedeeyay madaxda Soomaalida in intabadan ay ku dhaqman musuq maasuq isla markaana haddii ay soo baxaan seminaaro lagu hor marinayo ciyaaroyda ay iyagu si gaar ah u maamushaan “Aragtideyda waxaan u arkaa madaxda Soomaalida in aysan marnaba ka gudbeynin musuq maasuq iyo wax isdaba marin, mana jiro nin maanta haddii la keeno seminaar si cadaalad ah u maamulayo ee waxay ku dhaqmayaan musuq maasuq, sidoo kalena ma jiro nin oranaya war laacibiintii hore wax ha laga siiyo seminaaradan, weji cusub kaliya ayay qiimeynayaan bahda isbooriga maaheyn sidii lagu yaqiinay sidaan” ayuu mar kale yiri Joorje oo ay ka muuqatay shucuur aad u kulul.
 
Dhinaca kale, Goolhaye Joorje ayaan weydiiyay su’aal aheyd farqiga u dhaxeeya isboortigii hore iyo kuwan iyo weliba kooxihii xilligaas iyo kooxahan maanta ka dhisan Soomaaliya, isagoo xusay inay kaaf iyo kala dheeri tahay qaabkan iyo qaabkii hore, isagoo dhinaca kalena ku baaqay in kooxaha haatan jira laga daayo Naadi balse la yiraahdo (On Scuadaro) oo uu ula jeeday, koox maadaama aysan laheyn, qeybo kala duwan oo ciyaartoy sida ciyaarhaa Basket-ka, Bingaha, Tenniska, dabaasha, ciyaarta boodada, warantuurka iyo IWM.
 
“Farqi weyn ayaa u dhaxeeya xiyaaraha xilligan iyo ciyaarihii hore, tusaalaha ugu horeyaa ee aan soo qaadan karona waxay tahay xilligeenii garoomada ciyaaraha waxaa la geli jiray 8-saac maalinimo, hadana waxaa la galaa 5-saac galabnimo, sidoo kalena ma jiro nin laacib rasmi ah, kaliya waxaa laacibka Qaranka ah hadda ninka barto sida goolka loo dhaliyo, sidoo kale naadi lama dhihi karo waxa maanta balse aniga waxaan dhihi lahaa On Scuadaro), maxaa yeelay naadi marka la yiraahdo Tiimku waa inuu lahaadaa qeybo kala duwan oo ciyaartoy sida koox Basketka u dheesha, koox Bingaha u dheesha koox Tenniska u dheesha, koox warantuurka u dheesha iyo qeybo kale oo badan”.
 
Ugu dameyntii Goolhaye Joorje waxa tilmaan ka bixiyay fikirkiisa ku aadan sida ay ku hor mari karaan ciyaaraha Soomaaliya “Xaalada ciyaaraha Soomaaliya ay ku sugan tahay waa xaalad culus, wuxuuna isbooritaga Soomaaliya uu ku hor mari karaa in laga bilaabo bilow ama hoose, talona laga siiyo dadkii halgmayaasha isboortiga gaar ahaana K/cagta isla markaana la is weydiiyo dadki hore yaa nool yaa dhintay, ma ahan in howl laga bilaabo doorasho iyo waxyaabo la mid ah, waan aragnaa maanta waxa hogaamiya kooxaha dhisan ma jiro laacib koox ku magacaaban, taasina waxay mucjiso ku noqotay xidigii hore ee haatan jooga dalka Soomaaliya, ugu dambeyntiina waxay ila tahay aniga in loo baahan yahay in la sameeyo qiimeyn, ninkastana lagu xusho miisaankii iyo shacabiyadii uu ku lahaan jiray shacabka Soomaaliyeed dhexdiisa.
 
“Xidigii magaca ka lahaa dalka Soomaaliya maanta xiriirka iyagoo og wey agmaraan waxayna ku daadsan yihiin suuqa Bakaaraha oo ay shaxaad ku nool yihiin, sow maaheyn in la xusuustaa markii ay u halgami jireen Qaranka Soomaaliya, calanka dalkiisa hooyona Wadnaha uu ku qabsan jiray, loo sabcin jiray aaway abaal marintooda, abaal marinta beeso oo kaliya maahan balse waxaa ugu horeeya qiimeynta ninka magaciisa iyo xidiga uu ahaan jiray oo loo qiro, ubadka hadda soo baxaya oo garoomada galaya waa in la xusuusiyaa in hortiis ay jireen xidigo dalku ku faani jiray” ayuu yiri ugu dambeytiina Goolhaye Joorje oo xamaasad weyni ka muuqatay.
 
Waxaa wareystay Garaad Salaad Xirsi
E-mail: garaadcadde@hotmail.com