
|
|
FIFA Oo Sharciyada Wax Ka BadelaysaGuddigu wuxuu awood u leeyahay inuu wax ka badeli karo sharuucda marka loo baahdo, kulan la isugu yeeray inuu ka dhaco Sabtida magaalada Fifa waxay danaynaysaa ilaaliyaasha sharciyada inay ka wada hadlaan , haddii ciyaaryahan uu sababo rigoore [Penalty] in ciyaarta laga saaro . Qodob kale oo isna ajendaha ku jira ayaa ah Saddexda Ganaax [triple-punishment ] kasoo macnihiisu yahay haddii ciyaaryahan uu ka horjoogsado fursad gool lagu dhalin karay si qalad ah in ciyaarta laga saaro islamarkaana ganaax la saaro , sidoo kale kubadda la dhigo goobta laadka [Penalty - spot-kick]. Arrin kale ayaa ah marin habaabin [feinting of run-ups] marka rigoorada la laadayo ciyaaryahanka waxaa loo ogol yahay inuu istaago ka dib uu bilaabo, waxaa taasi iminka lagu darayo waxyaabaha ka baxsan dhaqanka isboortiga. Doorka garsooraha afaraad ayaa dib loo eegayaa , sidoo kale in la isticmaalo caawiye garsoore oo dheeri ah . Madaxweynaha Fifa Sepp Blatter ayaa soo jeediyay in la sameeyo tijaabooyin dheeri , lakiin wuxuu diiday codsiga ah in shan garsoore loo isticmaalo World Cup si ay u caawiyaan xadgudubyada ka dhaca xerada ganaaxa[ penalty area]. Cabashada lagu doonayo garsoore dheeri ah ciyaaraha Waxaa kale oo ay IFAB ka doodi doonaan in la isticmaalo qalab casri ah oo sheegi doona xariiqa goolka [goal -line] kaasoo ay beeniyeen xiriirada kubadda cagta ee England, Scotland, Wales iyo Northern Ireland,mid walba wuxuu lahaan doonaa hal cod , halka Fifa ka lahaan doonto afar. Lix cod ayaana loo baahan yahay marka sharci la badelayo. Said Ibrahim Hussein [BUUNA]
|
International Headlines
|













