Faahfaahin ku saabsan sida koobka aduunka 2010 looga soo baxay qaaradaha kala duwan..

Waxaa wali socda diyaargarowga loogu jiro tartanka ciyaaraha dunida ee 2010 oo markiisi ugu horeeyay ka furmaya wadanka South Afrika ee ku yaala qaarada afrika.

 

Waxaa tartankan oo ay ilaa 200 oo  wadan usoo galeen hardan ku aadan sidii ay kaga mid noqon lahaayeen 31ga wadan ee calamadooda ay ka dul babadaan garoomada kala duwan ee lagu qabanayo koobka aduunka ee qaarada afrika wadanka ku yaala marka laga reebo wadanka marti galinaya oo aan ka qeyb aheyn isreebreebka.

 

Africa , oo sanadkan loo ogolaaday inay u matalaan koobka aduunka ilaa 6 wadan oo ay ku jirto wadanka marti galinaya koobka ee south Africa oo si toos ah uga qeyb galeysa wax isreebreeb ah ayaa waxaa soo gardamay ilaa 53 wadan oo ay qaarada ka koobantahay waxaana ilaa hada soo gudbay oo xaqiijiyay ka qeyb galka koobka adunka wadamada Ivory coast iyo wadanka Ghana iyo wadanka marti galinaya koobka oo si sharuud la’an ah uga qeyb galaya.

 

Europe, waxaa iyana loo ogolaaday sanadkan 13 kooxood inay soo dirsadaan iyadoo ay ka maqantahay hal koox maadaama sanadkii 2006 ay soo dirsadeen ilaa 14 wadan waxaana dagaal dheer oo ay soo galeen ilaa 53 wadan soo gudbay wadamada Denmark, England, Italy, Germany, Netherlands, Slovakia, Serbia, Spain , Switzerland.

Waxaana ay tirada wadamada soo baxanoqoneysaa 9 wadan halka sideeda kooxood ee ugu wanagsanna ee kaalmaha labaad galay ay iyagana ciyaari doonaan kulamo kalareeb ah oo afar kooxood laga doonayo.

 

Asia, waxaa iyana sanadkan mataleysa 4.5 wadan iyo wadanka kaliya ee Australia iyadoo 43 wadan oo ku dagaalamay boosaskaas ay kasoo baxeen 4 wadamada soo baxay ilaa hada waa wadamada Japan, South Korea,north Korea iyo Australia

Waxaana ciyaaro kala reebto caalami ah kubalansan wadama Bahrain oo horay uga  soo adkaatay kulan kala reebto ahaa wadanka iyo wadanka New Zealand.

 

Oceana, iyagana waxay hardan kusoo galeen ilaa 10 wadan iyagoo loo ogolyahay 0.5 taa oo macnaheedu tahay wadanka ugu dhibcaha bata in uu kulan kala reebto caalami ah la cayaaro wadanka 0.5ka ku ah wadamada Asia w

Waxaana ugu soo dhibca batay wadanka New Zealand oo la cayaari doonta Bahrain.

 

North, Central America and Caribbean,Waxaa iyaga oo ka kooban 35 kooxood loo ogolaaday inay iska soo reebaan 3.5 waxaana ilaa sadex garoob oo loo qeybiyay laga doonayay midkastaa labada kooxood ee ugu sareysa oo wada ciyaaraya kulamo kaba danbeysa ah iyadoo lixda kooxood kooxaha u dhibcobata ee sadexda ah ay si toos ah u gali doonaan ka qeyb galka koobka aduunka iyadoo wadanka kaalmaha afaraad gala uu la ciyaari doono wadanka kaalinta shanaad kaga dhameysta wadamada south america

Waxaana soo gudbay  Honduras Mexico iyo USA.

 

South America, waxaa laga rabay ilaa 4.5 tartan iyo hardan sidii horyaal oo kale loo ciyaray oo hal gruub is arag guri ka guri ahaa ayaa waxaa soo gudbay wadamada Argentine, Brazil, Chile iyo wadanka Paruguay.halka kooxda kaalinta shanaad gashana ay la cayaareyso wadanka kaalinta 4aad ka gala wadamada North, Central America and caribbeanka.

 

Waxaana taa ay tirada guud ee usoo baxday koobka aduunta ee 2010 ka dhigeysaa ilaa ilaa 23 kooxood waxaana dhawaantan la filayaa inay soo dhameystirmaan 9 ka  kooxood ee hartay.

 

Tahlil Olad Hassan (Tahlayare)

Tahlayare@hotmail.com

Somsports@hotmail.com

     +254725577825

     +254751577825

Nairobi / kenya