Eduardo oo ku biiray naadiga Shakhtar …

 
Weeraryahnkii Kooxda kubada cagta ee  Arsenal Eduardo de Silva Ayaa markii uu boos joogta ah ka waayay naadiga uu leyliyo tababaraha sanaka dhuuban
Arsene Wenger isagoona manta si rasmi ah ugu biiray naadiga Shakhtar Doneskt ee ka dhisan wadanka Ukraine
 
 
27 jirkaasi asal ahaan ka soo jeeda Wadanka Brazil Balse Heysto Dhalashada Wadanka Croatia ayaa Qalinka ku duugay hishiis 4 Sano oo uu lasii joogayo naadiga Shakhtar
 
 
2007 ayay ehed markii ay kooxda Arsenal ciyaaryahnkani ka soo iibsaday kooxda ka dhisan wadankiisa hooyo ee Dinamo Zegrab isagoona tana iyo markii uu kusoo biiray latacaalayay dhawac jilibka ah tan iyo intii uu ku sugna Naadiga ka dhisan galbeed Magaalada London ee Arsenal u Saftay 41 kulan isagoo u saxiixay 11 gool oo qur ah
 
Yusuf Hussein Hassan (Huudda)
 yuusuf504@hotmail.com
Cell: Phone: +27835811472
Cape Town - South Africa