Cayaarihii xagaaga SEUKI 2010 oo si aan hore loo arag loogu soo gabgabeeyey garoonka weyn ee Spånga IP iyadoo ay kooxda Qaran ku guuleeysatay koobkii

Waxaa shalay oo ay taariikhdu aheeyd 25 July si aan inaba caadi aheeyn loogu soo gabagabeeyey cayaarihii xagaaga sanadkan 2010 ee uu ururweynaha SEUKI soo qabanqaabiyey iyadoo shalayna ay cayaarahan ku dhamaadeen si aad u qurux badan oo dadkii ka soo qeybgalay ay aad ugu riyaaqeen.

Cayaarahan xagaaga SEUKI 2010 ayaa waxeey socdeen intii u dhaxeeyey 12 July ilaa 25 July iyadoo cayaartii kama danbeeysta ay isku soo hareen kooxaha Neutral Göteborg iyo kooxda Qaran iyadoo guushan ay raacday kooxda Qaran oo shalay reer Göteborg ku quusiyey 5-0.

Kooxda Qaran ayaa waxeey noqotay kooxda kaliya ee laba mar qaada koobkan xagaaga SEUKI iyadoo hore u qaaday sanadkii 2007.

Cayaarahan shalay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin Sport , siyaasiyiin ka socday xisbiyada dalkan Sweden , Taliyaha Poliska degmooyinka Järva , iyo cayaartooyii hore ee dalkeena magaca ku lahaa oo aan ka xusi karno , Axmed Muuse , Cabdulqaadir Sheekha , Astur Jaamac , Amaan Guuleed , Bile Cali , Shamsudiin Diinoow , Cabdixakiin Dheere , Abuukar Dhabareey , Aweeys , iyo qaar kale oo fara badan .

Waxaa halkaa khudbad ka jeediyey gudoomiyaha ururweynaha SEUKI sanadkan 2010 Mr Xiirey Axmed Rooble oo ka hadlay qabanqaabada cayaarahan iyo sidoo kale hambalyo u diray doorashii dhawaan dhacday ee uu ku guulleeystay guddoomiyaha xiriirka soomalieed ee kubadda cagta Gudoomiye Saciid Mugaabe isagoo guddoomiye xireyna uu ka mid yahay xubnaha fulinta ee doorashadaa lagu doortay.

Waxaan cayaarahan khadka telefonka uga qeybgalay wasiirka dhalinyarada & Sportiga Soomaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo salaan u soo dirtay 12 koox ee ka qeyb galay cayaarahan xagaaga SEUKI 2010 iyadoo sidoo kale ku amaanatay ururweynaha SEUKI qabanqaabada xoogan ee ay u soo galeen qabashada tartankan waxaa sidoo kale halkaa shalay ku sugnaa shaqsiyaad siyaasiyiin soomali ah oo aan ka xusi karno Cabdiraxmaan Diinaari iyo Cabdi dheeg.

Waxaa sidoo kale shalay bilado la gudoonsiiyey cayaaryahanadii ugu wanaagsanaa intii uu tartanku socday iyadoo ay guudoonsiiyeen cayaaryahandii hore iyo marti sharaf uu u doortay ururweynaha SEUKI waxaana sanadkan koobkii koowaad gudoonsiiyey kooxda Qaran Guddoomiyaha ururweynaha SEUKI ahna xubin xiriirka kubadda cagta Soomaliya Mudane Xiireey Axmed Rooble.

Waxaa xusid mudan in ay habeenkii socdeen cayaaro odayaasha ah oo uu qaban qabaadedda lahaa Ibraahim Galbeeyte oo ah shaqsi wax badan ka soo qabtay cayaaraha xagaaga Stockholm kana mid ahaa aasaasayaashii cayaarihii hore isla markaana cayaarahan xagaaga SEUKI 2010 gacan ka geeystay isagoo koobka guddoonsiiyey Aweys oo ahaa cayaaryahan hore oo ka tirsanaa kooxdii Horseed.

Waxaa shalay goobta sidoo kale ku sugnaa xawaaladaha ka qeybqaatay cayaarahan oo ay ka mid yihiin Dahabshiil , Sahal Express oo uu guddoomiyahooda Mr Badri Xayle ka soo qeyb galay xiritaanka cayaaraha xagaaga SEUKI 2010 , Qaran Express sidoo kale waxaa joogay xisbiyo ka qeybqaatay cayaarahan dhaqaalana ku bixiyey waxaana ka mid ahaa Miljö Partiet , Waxaa Joogtay Sahra barqadle oo iyaduna gacan ka geeystay cayaarahan kana soctay Ururka Xaawo Taako iyadoo cayaarahana ka qeybqaadaneysay ilaa markii la bilaabay sanadkii 1999.

Waxaa halkaa guddoonsiiyey warbaahinta ka soo qeybgashay tartankan waxaana ka mid ahaa Universal TV , Somali channel TV , Hiiraan.com , ceelbuurnet.com , xogta.com , geesguud.com , jilibeyn.com , waryaa TV , wariyeyaal gaar ah.

Waxaa sioo kale halkaa ka hadlay Taliyaha Poliska Hans Erik oo sheegay in ay aad ugu qanacsan yihiin cayaarahan ayna taageeri doonaan sanadada soo socda sidoo kale Kerstin Gusstavson ayaa ku amaantay ururweynaha SEUKI howsha culus ee ay qabteen sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Björn Begner oo ah siyaasi gacan ka geeysta cayaarahan isagoo sheegay in uu si wadi doono taagerada cayaarahan gacan weyna ka geeysan doono mustaqbalka.

Waxaa xusid mudan dhaqnka fanka oo uu sanadkan masuul ka ahaa fananka reer Sweden alfanaan khaalid cadaani iyo fanaaniinta ay ka midka yihiin Cabdifataax leggand , iyo jacfar iyo dj Xasan Wuqooyi iyo Shaafici.

Isku soo wada duuboo xiritaankii cayaaraha xagaaga SEUKI 2010 ayaa wuxuu ahaa mid aan caadi aheeyn iyadoo waliba shalay cabsi laga qabay jawiga oo uu roob badani da,ayey maalintii doraad aheeyd shalayna ay daruuruhu buux dhaafeen ayaa hadana nasiib wanaag aysan wax roob ah shalay di,intaas ayaana sabab u ah quruxda ay ku dhamaatay xiritaanka cayaaraha xagaaga SEUKI 2010.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SportsNews Editor